Sannadkii 1994, waxaa magaaladan London soo booqday Shiikh Maxamed Macallin Xasan , oo Allaha u raxmadee ka mid ah Shiyuukhda ugu magaca weyn Soomaaliya.
Shiikh Maxamed, waxaan ku marti qaadnay Studiyaha Bush House. Waxaana wareysi dheer oo berigaaa laba qeybood u qeybsanaa ka qaaday Maxamud Shiikh Dalmar.
Qeybta hore Shiikha waxaan wax ka weydiinnay taariikhda noloshiisa iyo aqoontiisa.
Qeybta labaadna waxaan ku soo qaadannay waxa Islaamku ka qabo masaa'il caalamka ka taagnayd wakhtigaas, qaarkoodna weli ka taagan yahay.