December 10 2018 03:36:43
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax Oo Maanta Looga yeeray Magaalada Muqdisho.............
    News  wararka New Page 1
    Kaddib xaalad kacsanaan ah oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka taagnayd magaalada Beledweyne ayaa ugu dambeyn waxaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo loo maleynayo in wax laga weydiin doono dilkii 14-kii bishaan November Baladweyne loogu geystay sarkaal u shaqeynayay QM.

    Mid ka mid ah odayaasha-dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo codsaday in magaciisa inaan la shaacin ayaa u sheegay warbahinta in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dalbaday in kiiska dilka sarkaalka u shaqeynayay QM loosoo wareejiyo Muqdisho, taasoo kaantay in duhurnimadii maanta diyaarad gaar ah ka qaaddo Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne guddoomiye C/fataax.

    Taallabada uu qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ah in magaalada Muqdisho loo qaado guddoomiyaha ayaa qeyb ka ah dalabaad is daba joog ah oo ka imanayay wax-garadka iyo odayaasha sarkaalka la dilay kuwaa oo maleeshiyaad ku heyb ah maalmihii aynu soo dhaafney xirteen qeybo ka mid ah magaalada.

    Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo tan markii uu dilka dhacay u taagnaa xal u helidda xiisadda, ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo weliba isku socodka gadiidka, isagoo furay dhamaanba jidadkii xirnaa ee magaalada.

    Dhinaca kale, guddigii dowladda federaalka Somalia ay u saartay baarista la xiriirta dilka, ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen Muqdisho halkaa oo laga sii waddi doono qeybaha dhiman baaritaanka socda, sidda ay warbahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka sidda weyn ula socda arintan. xigasho Hiiraanweyn
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.01 seconds 28,900,402 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014