December 10 2018 05:47:47
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Mucaaradka Yaman oo Ogolaaday in Ay Ha’adaha Samafalka Ay Tagan Wadanka Yaman.........................
    News  wararka New Page 1
    Wadahadaladan oo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay, kana dhacaya dalka Switzerland, ayaa galaya maalintii afraad waxaana saraakiisha Qaramada Midoobay ay sheegayaan in ay rajaynayaan in wadahadalada ay sii socdaan dhowr maalmood oo kale.

    Wakiilada dowladda Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta ku kala matalaya wadaxaajoodkan ayaa iskudayaya in ay heshiis kama dambeys ah ka gaaraan sidii lagu soo afjari lahaa colaadda.

    Gargaarkan bini’aadamnimo ayaa waxa uu noqon doonaa mid ay ku diirsadaan kumannaan qof oo rayid ah oo ku nool magaalada Taaciz oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Yemen.

    Magaaladan ayaa Qaramada Midoobay waxa ay ku sheegtay in ay ku jirtay go’doon muddo usbuucya ah xilli ciidammada dowladda Yemen ee uu Sucuudigu baritaaro ay dagaal ku salaysan gacan ku haynta magaalada ay kula jireen fallaagada Xuutiyiinta.

    Heshiiskan ogolaanaya gargaarka bini’aadamnimo ayaa astaan u ah in wadahadalada nabadda ay u socon doonaan si wanaagsan, si ka duwan kuwii fashilmay bishii June ee la soo dhaafay.

    Markanna kooxaha isku haya siyaasadda dalkaasi ayaa fool ka fool isu soo horfariistay, sidoo kalana waxa ay horumar ka gaareen is-dhaafsiga maxaabiis.

    Haatana diblumaasiyiinta Qaramada Midoobay waxa ay rajaynayaan in wadaxaajoodayaashu ay u gudbaan arrimaha xasaasiga ah, sida in dib loo kala durjiyo ciidammada hubkana la kala qaado, xabad joojin waarta, iyo ugu dambeyntii in xal siyaasadeed gabi ahaanba lagu dhameeyo colaadda dalkaasi Yemen ka taagan.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,902,473 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014