December 10 2018 12:39:46
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Iiraan oo Jawaab lama filaan ah ka bixisay Xariir u jaristii... Somalia iyo Jabuuti.....................
    News  wararka New Page 1
    Agaasimaha Maareynta ee Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Tehran Times ee ka soo baxa dalka Iiraan, wuxuuna tilmaamay inaysan wax Walaac ah ku haynin Afarta Dowladood ee Afrikaanka ee xiriirka Diplomaasiyadeed u jaray dalkiisa, kuwaasi oo kala ah Somalia, Jabuuti, Sudan iyo Jesiiradaha Komoros.

    Mar wax laga weydiiyey Miisaanka Diplomaasiyadeed ee Go’aanka Dowladda Somalia, waxa uu tilmaamay inaysan Somalia lahayn Dowlad Dhexe oo xoog badan, isla markaana waxay sii wadaan baahida ay ku tiirsan yihiin Dowladda Sacuudiga, waa sida uu hadalka u yiri.

    “Xiriirkeenna Dhaqaale ee aan la leenahay Somalia waxa uu inta badan ahaa ku dhisnaa Ganacsatadda Soomaalida ee Ganacsiga ka sameysa dibedda Somalia” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay wax dabiici tahay inay Somalia xiriirka u jartay Iiraan, si ay Sacuudiga uga helaan Taageero Dhaqaale.

    Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku xusay inuusan jirin xiriir Dhaqaale ee toos ah oo ay la leeyihiin Somalia, sababo uu ku micneeyey Walaaca dhinaca Ammaanka Somalia.

    Dhinaca kale, Agaasimaha Maareynta ee Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi waxaa wax laga weydiiyey Go’aanka Dowladda Jabuuti ku jartay Xiriirkii Iiraan, waxa uu Jabuuti ku tilmaamay Bakhaar Weyn oo Ethiopia ku kaydsato Badeecadaha ay ka soo iibsadaan Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

    Waxa uu intaasi ku daray inaysan Jabuuti Istaraatijiyad muhiim ah u lahayn Dowladda Iiraan, isla markaana uu rajeynayno inay Dowladda Ethiopia culays saari doonin Dowladda Jabuuti, waa sida laga soo xigtay.

    Ugu dambeyntii waxa uu Mas’uulkaasi sheegay inaysan Dowladaha Somalia iyo Jabuuti ka maarmi karin Taageeradda iyo Ganacsiga Iiraan.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,908,815 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014