December 10 2018 06:30:00
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadashay Xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.......................
    News  wararka New Page 1
    Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay qorshaha Dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Qaxooti lagu qiyaas 600,000, kuwaasi oo ka kala yimid intooda badan Dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.

    Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo wareysi siinayay mid ka mid ah Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa waxuu beeniyay in Dagaal yahanadooda ay Weerarada qorsheysan ka soo qaadeen Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa been aan sal iyo raad toona la heyn waxaa uu ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Dowladda Kenya, kaasi oo ku aadanaa in Weeraradii lagu qaaday Suuqa Ganacsiga Westigate iyo Jaamacadda Magaalada Gaarisa laga soo abaabulay Xerada ugu weyn Aduunka ee Dhadhaab.

    Sheekh Cali Dheere ayaa ku micneeyay ujeedada Kenya ay ugu dhawaaqday xeritaanka Xerada Qaxootiga mid ay dhaqaalo ugu dooneyso Dowladdaha Reer Galabeedka maadaama Cali Dheere uu carab ku dhiftay Dowalddahaasi in ay ku mashquuleen Dalal kale sida xalinta colaada ka aloosan Dalka Syria.

    Xerada ugu weyn caalamka ee Dhadhaab ayaa qiyaas ahaan 100Km dhanka Waqooyi Bari waxey uga beegan tahay Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya.

    Hay’addaha u ololeeya Xuquuqul Insaanka ayaa si isku mid ah ugu soo horjeestay xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

    Hadalka Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab ayaa waxuu imaanayaa Xili Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Kenya uu shaaca ka qaaday Weeraro xoogan oo ka dhacay Dalka Kenya laga soo qorsheeyay Xerada Qaxootiga Dhadhaab.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.01 seconds 28,903,156 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014