December 10 2018 06:52:46
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Faah Faahin Ciidamada Itoobiya Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Deegaanka Aw-diinle......................
    News  wararka New Page 1
    Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa dad rayid ah ku xasuuqay deegaanka Aw-diinle ee hoos-tagta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo dadka la dilay ay ahaayeen odayaal iyo culumaa’udiin.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay dileen 14 ruux oo isugu jiray odayaal iyo culumaa’udiin ku sugnaa goob uu ka jiray XusAMISOM ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in dadka rayidka ay ku dhinteen intii uu socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM, iyo Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka War-Diile.

    Warka ka soo baxay AMISOM ayay ku sheegtay inay baaritaan ku saabsan dilka dadka rayidka ah ay sameyneyso, wixii ka soo baxana la soo bandhigayi Hase ahaatee C/qaadir Cali Xasan oo horay Guddoomiye kuxigeen uga soo noqday deegaanka Aw-diinle ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si ula kac ah u laayeen dadka, qaarka ay gowraceen.

    “Waa waxba kama jiraan in deegaankaas Al-Shabaab ku sugnaayeen, meesha dadka lagu laayay waxaa ka jiray xus, halkaas baa xoolo lagu qashay, markiiba inta ay galeen ayay rasaas ooda uga qaadeen”ayuu yiri C/qaadir Cali xasan oo sheegay in odayaasha la dilay uu ku jiray aabihiis.

    Dhinaca kale Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka oo shalay deegaanka tagay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo deegaanka tagay ay rasaas ka dhex bilaabeen Al-Shabaab oo deegaanka ku dhex dhuumanayay, sidaasna uu dagaalka ku bilowday.

    “In aan dadka deegaanka iyo AMISOM soo xog wareysano ayaan saakay u baxnay, Meesha Waxaa ka dhacay xaafad ay kulan Duco ah ku lahaayeen dadka deegaanka ayaa Ciidamada looga soo sheegay in ay joogaan koox ka tirsan Al-shabaab, markii ay ciidamada tageen ayay kasoo waayeen waxii loo sheegay, dadka ayaa ka baqay in ay sheegaan maleeshiyaadka ku dhex dhuumanayay deegaanka, mid kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab ayaa billaabay Xabad, wuxuuna dilay mid kamid ah ciidamadii AMISOM ee goobta ku sugnaa, halkaas ayaa dagaal ka billaawday waxa ay sababtay dhimashada 14 ruux oo ay kamid yihiin Odayaal dhaqameed ku sugnaa goobta” ayuu yiri Ibraahin Yarow.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,903,533 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014