December 10 2018 07:22:31
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameyn doonta Heshiiskii lala galay Shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha Muqdisho ee laga leeyahay dalka Turkiga.
    News  wararka New Page 1
    Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameyn doonta Heshiiskii lala galay Shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha Muqdisho ee laga leeyahay dalka Turkiga.


    Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu yimid shaki ku aadan dhinaca dhaqaalaha ee ka soo xarooda Garoonka iyo Deked.

    Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in heshiisyadii lala galay Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak dib u eegis lagu sameyn doono, isla markaana ay miiska saaran yihiin

    “Heshiiska aan la galnay oo qoraal ah miiska ayay saaran yihiin, labadaba dib u eegis ayaa ku socota, Al-Beyrak waxay noo sheegeen waxa ay ka qaataan Dekeda iyo waxa ka soo gala aan isku mid aheyn”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo wareysi siinayay Telefishinka Horn Cabel.

    Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in arrinta ku saabsan Garoonka ay rumeysan yihiin in dhaqaalaha ka soo gala inteeda badan qaadato Shirkadda Favori, taasna iyana heshiis laga gaari doono.

    “Dowlad ahaan waxaa aaminsanahay in Favor naga badsanayaan dhaqaalaha, laakiin waxay noqon doontaa mid labada dhinac lagu qanacsan yahay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

    Wasiirka ayaa sheegay in marka lagu sameeyo dib u eegis heshiisyadaas, isla markaana la isla meel dhigo wixii jira ay qandaraaska u kordhin doonaan Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak.

    Shirkadda Favori ayaa bishii September ee sanadkii 2013 la wareegtay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde, iyadoo xilligaas kala wareegtay maamulka Garoonka Shirkadda SKY oo muddo saddex sano maamuleysay garoonka.

    Sidoo kale Shirkadda Albeyrak ayaa iyana lagu wareejiyay Dekeda Muqdisho bishii September ee sanadkii 2014, waxayna shirkadan ku soo kordhisay dekeda adeegyo casri ah oo lagu hormariyay Dekeda.

    Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa ku eedeeyay Shirkadaha Favor iyo Al-Beyrak inay diidaan in la xisaabtan lala sameeyo, isagoo caddeeyay in madaxda dowladda uu ku wargeliyay arrintan.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,904,008 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014