December 10 2018 06:55:34
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Kenya oo sheegtay in muddo kooban ay ku soo gabagabeynayso Darbiga ay dhisayso.............................
    News  wararka New Page 1
    Dowlada Kenya ayaa sheegtay in dhowrka bilood ee inagu soo aadan ay ku soo gabagabayn doonto dhismaha darbiga lagu kala xadeynayo Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si ay u xaqiijiso ammaanka Dalkeeda.



    Sareeye-Gaas, K.T. Chepkuto oo ka mid ah Saraakiisha sare ee Ciidamada Dowladda Kenya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in darbiga dhirirkiisu yahay 30-ka Km dhismihiisa ay ku dhamaystiri doonaan muddo Afarta billood gudahood ah.



    K.T. Chepkuto ayaa xusay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka yihiin kuwa suga ammaanka xuduuda ay labada dal wadaagaan inta uu socdo dhismaha darbigaasi.



    Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Mandeera, Cali Roba ayaa soo dhaweeyay horumar uu sheegay in laga sameeyay dhismaha darbiga lagu kala xadeynayo Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.



    Dhismahan darbigan ayaa waxaa ka soo horjeeda Maamulka iyo Shacabka Magaalada Baladxaawo oo sheegay in uu caqabad ku noqon doono isu socodka Degaanada ku dhow Xadka.



    Dowladda Kenya ayaa go’aansatay in la dhiso darbigaasi islamarkaana la xiro Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab kadib markii uu dhacay Weerarkii xooganaa ee lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Gaarisa.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,903,576 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014