December 10 2018 06:36:02
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    PuntLand oo Halis ugu jirta Afgambi iyo C/Raxmaan Faroole oo Siyaasad xoogan la ciyaaraya Madaxweynaha….........
    News  wararka New Page 1
    Ciidamo qabiil ayaa maanta Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii baarlamaanka oo goor dambe laga saaray.

    Ciidamadan oo watay baabuurta Gaashaaman, kuna hubaysnaa hub culus ayaa xanibay jidka dheer ee Laamiga ee hore mara Baarlamaanka, iyagoo joojiyay isu socodkii Baabuurta iyo dhaqdhaqaaqii wadada ugu muhiimsan Caasimadda Puntland ee Garowe.

    Khuburi ku xeel dheer arimaha Amniga ayaa warbaahinta Puntlandes oo wax ka waydiisay waxay ku fasireen inuu dalka ka dhacay Inqilaab fashilmay oo la doonayey in lagu Afgambiyo dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay madxaweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas



    Inqilaabkaas waxaa fuliyay rag uu ku jiray Madaxeynihii hore ee Puntland Abdirahman Faroole, wiilkiisa Mohamed iyo Farah Ali Shire, kaas oo dowladnimada iyo sumcada dowlada Puntland hoos loogu dhigi laha.

    Arrintan waxay ku soo aadaysa maalmo kadib markii Abdirahman Faroole kusoo laabtay Garowe war-baahintana usoo mariyey hadalo dacaayad ah mas’uuliyiinta dowlada, inaga oo xasuusana hagar daamooyinkii uu Faroole u gaystay Puntland gaar ahaan curyaamintii dhaqaalaha, musuqmaasuqii ay caanka ku ahaayeen isaga iyo qoyskiisa iyo Golaha Wasiiradiisa.



    Sidoo kale waxa ay kusoo aadaysaa maalin ka hor markii Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo ka hadlay warbaahinta uu eedaymo culus u soo jeediyay maamulka madaxweyne Gaas, islamarkaana uu ku tilmaamay xaalada Puntland mid burbur ah.

    Wasiirka ayaa muddo 5 sanno wuxuu ahaa wasiirkii maaliyada ee xukuumadda Faroole, waxaana loo tiriyaa inuu ka mid ahaa masuuliyiintii boobay hantida Qaranka Puntland mudadii ay xilka hayeen.

    Isku dayga afgambi ee Garowe ka dhacay wuxuu kusoo aadayaa waqti Madaxweyne Gaas Bosaso ku sugan yahay, wadanka ay ka jirto abaar lagu tilmaamo simman oo dad iyo duunyoba halis gelisay.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,903,285 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014