December 10 2018 05:47:52
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Taliyaha Ciidamada Nabadsugida NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo cadeeyay In Awood ay kunabadeyn doonaan Muqdisho+Video+Sawirro...............................
    News  wararka New Page 1
    Taliyaha NISA oo cadeeyay In Awood ay kunabadeyn doonaan Muqdisho+Video+Sawirro




    Waxaa Xalay magaalada Muqdisho kulan Xasaasi ah oo arimo badan looga hadlay ku yeeshay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaalia, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabad sugida, iyo Milateriga, waxaana kulankan intii uu socday looga hadlay xasilinta amniga Muqdisho.

    Kulankan Madaxtooada Soomaalia ku yeesheen Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha kala duwan ee ciidanka dowlada ayaa si weyn loogu faaqiday howlgalka xasilinta Muqdisho ee wadaan ciidamada isku dhafka ah, waxaana gabo gabadii kulanka laga soo saaray awaamiir cusub.

    Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa tilmaamay in qorsha xasilinta Muqdisho uu yahay go’aan ka so baxay Golaha fulinta Jamhuriyadda Soomaaliya, loogana golleeyhahay in Muqdisho noqoto magaalo Nabad ah.

    Taliyaha Ciidamada Nabadsugida C/llaahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in qorshaha xasilinta caasimudu uusan ahayn mid loogu dan leeyahay koox ama qabiil gaar ah balse uu yahay mid Muqdisho looga sifaynayo Al-Shabaab iyo cid kasto oo hub ku dhex sidata.

    Waxa uu Taliyaha NISA sheegay in dagaal maanta ka dhacay Degmada Kaaraan uusan aheyn mid u dhaxeeyay Ciidamada xasilinta iyo ciidan kale oo dowlada katirsan, waxa uuna tilmaamay dagaalkaasi in uu u dhaxeeyay ciidanka Xasilinta iyo Burcad dooneysay in ay boobto raashin gar gaar.

    Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta dowladda loo samayn doono ciidamo gaar ah, lana furi doono xarun lagu diiwaan geliyo ciidankaasi.

    Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen, Cirfiid oo isna kulanka ka hadlay ayaa ku amray dadka shacabka ah ee degan guryaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya in ay si deg deg ah uga baxaan, waxa uuna u qabtay in guryhahaasi lagu baneeyo ilaa 1-da bisha Luulyo.

    Kulankan Muqdisho ku yeesheen Taliyaasha Ciidanka dowlada ayaa la isku gartay in magaalada Muqdisho aan lagu arkin Karin ciidan hubeesan oo qorya wata oon ka aheyn ciidanka xasilinta , waxaana lagu amray ciidamada ilaaliya masuuliyiinta in ay diiwaan galiyaan soona qaataan dares loogu tala gakay.

    Halkan hoose ka Akhriso Amarada ay soo saraeen Taliyayaasha ciidanka Dowlada



    1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.

    2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

    3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

    4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

    5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

    6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,902,475 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014