December 10 2018 07:00:43
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Magaalada Kismaayo:--Shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay Kismaayo oo Qodobo dhawr ah lagu ansixiyey...............................
    News  wararka New Page 1
    Kismaayo- Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo, iyadoo lagu ansixiyay sharciyo dhowr ah.

    Waxaan shirkan shir Gudoominayey RW Kheyre waxaan ay Golaha Wasiirada shirkan ku ansixiyeen sharciga Saxaafada oo dhowaan Wasiirka Warfaafinta ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyay qodobadii ay cabashada ka keeneen saxaafada.

    Sidoo kale Waxaa la ansixiyay sharciga Waxbarashada oo uu soo diyaariyay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta.

    Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sidoo kale ansixiyeen xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.

    Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa miisaaniyad gaar ah dalka ku yeelan doona, isaga xaasaskiisa, carruurtiisa aan Qaan gaarin, shaqaalihiisa sare, shaqaale hoosaadkiisa, gaadiidkiisa iyo Tikidkiisa diyaaradeed ee safaradiisa shaqo.

    Sidoo kale xuquuqdiisa gaarka ah ayaa waxaa qeyb ka ah mushaarka Hal urur oo ciidan ilaaladiisa gaarka noqonaya.

    Qodobka 64aad ee Dastuurka ayaa qeexaya in Madaxweynihii waqtigiisa dhameystay oo xilka si nabad ku wareejiyo inuu yeelanayo xuquuq gaar ah.

    Wasiir Yarisow ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin ku aadan marxaladaha uu soo maray Xeerka oo Baarlamaankii hore uu horey u ansixiyey bishii Diseember 2015.

    Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Sababaha keenay in wax-ka bedel loogu sameeyo Xeerkan Saxaafada ayaa aheyd cabashooyin ka yimid suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qodobo ka mid ah u baahdeen in wax laga bedelo sida qodobka 35aad oo sheegayey in suxufigu uu heystaa shahaado jaamicadeed ee suxufinimo. Sidaad daraadeed ayaan qodobkan wax uga bedelnay iyo sidoo kale qodobyo kale oo ka mid ahaa Xeerkan.”

    Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ballaaran la yeelatay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-Goboleedyada, bahda warbaahinta Soomaaliyeed, Somali Media Support Group iyo dhammaan dadka ay khuseyso. Tanoo keentay in qodobada la isku raacay lagu bedelay kuwii cabashooyinka ka timid.

    Xeerkan Saxaafada oo ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen maanta ayaa loo gudbin doonaa Golaha Shacabka.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,903,649 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014