December 10 2018 12:23:16
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.....................
    News  wararka New Page 1
    Kulanka Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid ay ku dhageysanayeen qorshaha Xukuumadda ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka Dalka , waxaana Baarlamaanka maanta hor yimid mar kale Wasiirka Cadaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

    Wasiirka Cadaaladda ayaa faah faahin ka siiyay Baarlamaanka halka uumarayo dhismaha Golaha Adeega vGarsoorka , waxaana uu sheegay in ay wadaan wadatashiyo ay la sameynayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada si loo helo Garsoor ay ku qancaan Bulshada.

    Intaas kadib Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa su’aalo dhowr ah ka weydiiyay qorshaha dhisidda Golaha Adeega Garsoorka ,waxaana xubnaha qaarkood tilmaameen in xilligaan Muhiim ay tahay in la soo dadajiyo dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.

    Xubnaha Baarlamaanka qaarkood ayaana dhankood ku taliyay in qorshahaan ay ka wada qeyb qaataan dhisiddiisa laamaha kala duwan ee dowladda si loo tayeeyo Garsoorka dalka.

    Gabagabadii kulanka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka shir guddoominayay ayaa kula taliyay Masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya in ay soo Magacaabaan shaqsiyaad leh aqoonta Garsoorka kana bixi kara hoggaaminta Garsoorka dalka.

    Waxaana guddoonka sare ee Baarlamaanka talo ku soo jeediyeen in labadii todobaadba mar la keeno warbixinta ku aadan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka dalka xarunta Golaha Shacabka iyadoona xubnaha kale ee Baarlamaanka ay ku raacen soo jeedintaasi.

    Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa maalinta beri ah lagu wadaa in ay su’aalo weydiiyaan Wasiirka Dastuurka Dalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waa kulankii 6aad ee ka tirsan Kalfadhiga 2aad Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,908,544 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014