December 11 2017 15:24:35
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho...........................
    News  wararka New Page 1
    Weerar ismiidaamin ah, ayaa goor dhow ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo bartilmaameydku uu u muuqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed, General Xuseen Xasan Cismaan.

    Nin xirnaa suunka walxaha qarxa ka samaysan, ayaa waxaa la sheegay in uu isku qarxiyay barxadda Xabsiga Dhexe, oo ku dhow Masaajidka ay ku tukadan shaqaalaha iyo maxaabiista qaarkood.

    Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilligii uu qaraxu dhacayay in Taliyuhu uu ka soo degay gaarigiisa nooca aysan rasaasta karin, isla-markaana uu gudaha u galay Masaajidka.

    Askari ka tirsan ilaalada Taliyaha, ayaa waxaa la tilmaamay in uu is hortaag ku sameeyay ninkaasi, oo sida la sheegay doonayay in uu gudaha u galo Masaajidka.

    Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa maalin kasta oo Jimcaha ah maxaabiista Salaadda Jimcaha kula tukada Masaajidka Xabsiga Dhexe.

    Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhimatay qaraxaasi oo midi uu yahay askarigii ilaalada u ahaa Taliyaha Asluubta, iyadoo midka kalana uu yahay ninkii is qarxiyay, halka dhawr kalana ay ku dhaawacantay, oo Taliyuhu uu ka mid yahay. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhaawaca Taliyuhu uu yahay mid fudud.

    Ciidamada Nabad Suggida oo gaaray halkaasi, ayaa xiray wadooyinka soo gala Xabsiga Dhexe, sidoo kale waxay baaritaano ka wadaan gudaha xabsiga.

    Wararka, ayaa sheegaya in ninka weerarkan gaystay uu ka tirsan yahay ciidanka tababarka u xareysan, waxaana la leeyahay wuxuu ka soo gudbay laba bar kontorool oo dadka lagu baaro.

    Waxaa su’aalo laga keenay qaabka ninkaasi ay ugu suurtagashay inuu gudaha u galo Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo amnigiisu si aad ahi loo ilaaliyo.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    Xildhibaanada Hiiraan iyo Shirka H
    New Page 1

    casho sharaf Denmark
    Tataarka
    Dhacdooyinks Yaabka Leh
    Daawo Yaabka Aduunka

    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Wafuuda Turkiga Baledweyn
    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.01 seconds 22,869,699 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014