December 10 2018 12:50:39
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Ololaha doorashada dalka Kenya oo dib u bilawday..Waxaa dib u bilawday ololaha doorashada madaxtinimada dalka Kenya kadib markii Jimcihii la soo dhaafay Maxkamadda Sare ay diiday natiijada doorrashii
    News  wararka New Page 1

    Waxaa dib u bilawday ololaha doorashada madaxtinimada dalka Kenya kadib markii Jimcihii la soo dhaafay Maxkamadda Sare ay diiday natiijada doorrashii bishii hore, taasoo Guddiga Doorashada Kenya ay ku dhawaaqeen inuu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

    Go’aanka Maxkamadda Sare oo ahaa mid aan la fileyn, ayaa amray in muddo 660 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho labaad oo ay ku wada tartami doonaan musharixiinta Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ahaa kuwii ku loolamayay codadka ugu badan ee doorashadii la qabtay 8dii Agoosto.

    Madaxweyne Kenyatta ayaa ololihiisa ka bilaabay qeybo ka mid ah deegaanada ka baxsan caasimada, gaar ahaan Nakuru iyo Thika oo ah meelo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha xisbigiisa Jubilee.

    Musharaxa isbahaysiga mucaaradka NASA, Raila Odinga ayaa isaguna ololihiisa ka bilaabay degmada Mthare ee isku raranka ah ee ku taalla magaalada Nairobi, halkaasoo taageerayaashiisu ay ku badan yihiin, ahaynda halkii ay ciidamada boolisku rasaas ay rideen ku dileen gabar 10 sano jir ahayd xilligii ay dhacayeen mudaaharadyo rabshado watay oo bartimihii bishii hore ka dhacay Nairobi, kadib natiijada guushii doorashada ee Kenyatta.

    HADALLO KULUL

    Siyaasiyiinta Kenya ayaa caadiyan dhaqan u leh inay ololayaashooda u adeegsadaan ereyo kulul oo mararka qaar aflagaado ku jirto oo midba dhanka kale uu u jeedinayo.

    Xilliga ay dhacayaan doorashooyinka, waxaaba sare u kaca hadallada aan laga fiirsan ee caayda iyo weerarka ah ee siyaasiyiinta sida roobkii isugu shubaan.

    Madaxweyne Kenyatta ayaa hadaladiiisa ololahan labaad ku weeraray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare David Maraga oo ah ninkii riday xukunkii lagu buiyay natiijada doorashadii bishii hore uu Kenyatta la sheegayy inuu ku guuleystay. Wuxuu madaxweynuhu ku tilmaamay guddoomiyaha maxkamada sare “burcad” iyo mid aan daacad ahayn oo dhinac u xaglinaya.

    Wuxuu madaxweynuhu sidoo kale ku sifeeyay siyaasiyiinta mucaaradka kuwo qeylo iyo fawdo uun wax ku raadiya, sida uu yiri, oo aan heysan taageerada dadweynaha.

    Wuxuu intaa ku daray in marnaba aanu “ogolaan doonin in dowlad wadaag ah uu la galo mucaaradka”.

    Dhankiisa musharaxa isbahaysiga mucaaradka Odinga ayaa isaguna jawaabo kulul u diray madaxweynaha. Odinga ayaa sheegay in dowlada Kenyatta ay tahay “tuug” isla markaana isaga [Odinga] uusan tuugo waxba ku darsan doonin.

    Odinga wuxuu kaloo ku dooday in codadkii doorashadii hore uu isagu heley aqlabiyad, hase yeeshee laga dhacay, sida uu yiri.

    DOORASHADA KU CELISKA

    Sida qorshuhu yahay, Guddiga Doorashada Kenya ayaa laga sugayaa inay waqti u qabtaan xilliga ay dhacayso doorashada labaad ee loo ballansan yahay mudada labada bilood gudahood ah. Marka Guddiga doorashadu shaaciyo waqtiga codeynta ayaa rasmi ahaan waxaa u bilaabanaya diyaarinta agabka doorashada iyo nidaamkii lagu qaban lahaa.

    Balse waxaa hadda soo baxaysa dood kale oo aan la ogeyn halka ay ku danbeyn doonto, taasoo ah in isbahaysiga mucaaradku uu doonayo in la bedelo Guddiga Doorashada oo ay ku sifeeyeen kuwo u xagliyey dhanka dowlada, isla markaana aaney mucaaradku wax kalsooni ah ku qabin.

    Arrintan ayaa haddii ay dhacdo, waxay keeni kartaa sugaansho la’aan kale oo la xiriirta suurtagalnimada doorashada, maadaama waqtiga yar ee doorashada loo qabtay ay adkaan doonto in guddiga oo dhan la bedelo, lana keeno xubno cusub oo iyaguna u baahan doona ansixinta baarlamaanka.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,909,034 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014