December 10 2018 06:42:52
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Akhriso: Taariikhda Iyo Barnaamijka Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabeelle....................................
    News  wararka New Page 1
    Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw waxaa ay madaxweyne u doorteen Maxamed Cabdi Waare isaga oo ka adkaaday Daahir Cabdulle Cawaale.

    Doorashada Waare waxaa ay timid kadib markii 14-kii August 2017kii ay xildhibaannada Hirshabelle xilkii ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble, iyaga oo ku eedeeyay xil-gudasho la’aan.

    Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Maxamed Cabdi Waare iyo Barnaamijkiisa:

    Maxamed Cabdi Waare waxaa uu ku dhashay gobolka Hiiraan, waxaa uu dugsi hoose uga baxay Halgan, dugsi dhexe degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, dugsi sarena waxaa uu ka dhameeyay dugsiga Beeraha Afgooye halka Jaamacad ka dhigtay dalka Mareykanka isaga oo ka qalin-jabiyay Indiana Universiry.

    Shaqo:

    Waxaa uu ka shaqo bilaabay dugsiga sare ee Beeraha sanadkii 1979, isaga oo 10 sano ka shaqeeyay wasaaradda Beeraha, gaar ahaan Mashruuca fidinya beeraha.

    Shaqooyinka kale uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa:

    Isu duwaha beeraha ee labada gobol Shabeelle iyo Hiiraan.
    Nolosha dadka, tuulooyinka iyo deegaanka labadaasi gobol ayuu aad u bartay.
    Burburkii kadib, 10 sano waxaa uu ka shaqeynay hey’adaha Laanqeyrta Casa iyo ICRC
    Hey’adda cuntada iyo beeraha ee UNka, FAO
    UNDP dib u dhiska dowladdii KMG aheyd ee Cabdullahi Yusuf
    Sanad iyo bar: wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta iyo bangiga adduunka oo ahaa in Internet la gaarsiiyo Jaamacadaha iyoxafiisyada dowladda.
    Arrimaha uu Maxamed Cabdi Waare ballan-qaaday waxaa ka mid ah:
    Dib-u-heshiisiin in uu ka hirgelin doono labada gobol ee Hirshabeelle.
    In Kooxaha dowladda ka horjeedo laga saaro labada gobol.
    In La xoojiyo Ciidamada Qalabka sida.
    In La Taakuleeyo Oday dhaqameedka iyo Nabadoonnada.
    Dhismaha Waddooyinka Muqdisho-Jowhar, Jowhar iyo Beledweyne, Jowhar iyo Cadale.
    Biyo-xireenno laga sameeyo meel badan oo labada gobol ah sida looga faa’ido waraabka.
    In Magaalooyinka Waaweyn laga furo xarumo waxbarasho oo ay Jaamacado ku jiraan.
    Uruurinta dakhliga iyo qarashaadka dalka.
    Wax ka qaban-doono garsoorka iyo cadaaladda labada gobol.
    Internet gelin doono meel walbo oo labada gobol.
    W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.03 seconds 28,903,389 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014