December 10 2018 04:33:52
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    War dag adg ah:--Bariire Dagaalkii ugu Xooganaa oo goordhow lagu qaaday iyo maydad daadsan Wadooyinka........................
    News  wararka New Page 1
    Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay waxa ay weerar saf balaaran ku ekeeyeen saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Weerarkan ayay Shabaabka marka hore waxa ay ku daahfureen baabuur ay Qaraxyo ka buuxeen oo ay wadeen rag naftood hurayaal ah, kadibna dagaalyahano iyaga ka tirsan oo ku diyaarsanaa meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay dagaal kala hortageen Ciidamada Dowladda oo saldhigaasi ku sugnaa.

    Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan safka balaaran ee ururka Al-shabaab ay ku qaadeen degaanada Bariire oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali ah oo hoostaga shirkada howlgalka Bancroft.

    Qaar ka tirsan dadka degaanka ayaa sheegay in hada ay maqlayaan hugunka iyo jugta xoogan ee ay isku adeegsanayaan labada dhinac, cabsi badana ay muujinayaan.

    Ururka Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in saldhiga degaanka Bariire ay ku qaadeen weerar ku bilowday Qaraxyo, hadana uu socdo dagaal xoogan.

    Dagaalka ayaa la sheegay in uu lahaa laba weji, midkii hore uu soo idlaaday, hadana uu socdo qeybta labaad, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

    Degaanka Bariire ee hada uu dagaalka ka socdo ayaa Ciidamada Dowladda waxa ay ururka Al-shabaab kala wareegeen 19-kii August ee sanadkan, kadib dagaal adag oo ay la galeen.

    Dadka Odorosa arrimaha ammaanka ayaa waxa ay sheegayaan weerarada Shabaabka ee soo ku soo batay Muqdisho iyo gobolada dalka in ay sabab tahay isdhigasho ka jirta dhinacyada kala duwan ee Ciidamada Dowladda.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,901,354 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014