August 22 2018 09:31:08
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Akhriso War Saxaafadeed ay ka soo saareen Ganacsatada Muqdisho Canshuur lagu kordhiyay.................................
    News  wararka New Page 1
    Dekadda magaalada Muqdisho ayaanwax dhaq dhaqaaq ah ka jirin mudo isbuuc ah, kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ee dekadda wax kasoo degsata lagu soo rogay canshuur dheeraad ah.

    Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, waxa ayna ganacsatada ka cabanayaan in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

    Kulan maanta ku yeesheen Ganacsatada gobolka Banaadir ayey uga soo horjeesteen canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay ganacsatada gobolka oo kaliya, waxa ayna sheegeen in ay raali ka yihiin hadii guud ahaan ganacsatada si isku mid ah canshuurta loogu kordhiyo.

    Ali Dhoore oo ku hadlayay magaca ganacsaada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ganacsatada aysan waxba kala soo degin Dekadda Muqdisho mudo isbuuc ah, waxa uuna xusay in ganacsatada aysa raali ka aheyn canshuur kordhinta.

    Ganacsatada maanta kulanka yeeshay ayaa ugu baaqday Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya in ay soo faro galiyaan canshuur kordhinta lagu sameeyay ganacsatada gobolka.

    Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay

    Ganacsatada Gobolka Banaadir

    JAMHUURIYADDA FEDERAALKA

    SOOMAALIYA

    Taariikh: 11/02/2018

    Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Ku: Ra’isul­Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Ku: Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Og: Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Og: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

    Og: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga G/Banaadir.

    Ujeeddo: Warsaxaafadeed ka soo baxay Ganacsatada G/Banaadir.

    Annaga oo ah Ganacsatada Gobolka Banaadir waxaan Cabasho ka qabnaa Canshuuraha

    xad dhaafka ah ee sida gaarka ah dusha looga saaray Ganacsatada Gobolka Banaadir

    taas oo sababtay in ganacsatadu ay ku khasaaraan Badeecooyinka ay ka soo dejiyeen

    Dekeda Muqdisho..

    Asbaabta Cabashadeena oo faah faahsan.

    Dekeda Muqdisho waxa ay ka qarash iyo Canshuur badan tahay Dekedaha kale ee ka jira Soomaaliya inteeda kale taas oo sababtay in Ganacsatada Muqdisho ay ku khasaaraan Badeecada ay ka soo dejiyaan Dekeda Muqdisho maadaama ayna la tartami karin Badeecadaha kale laga soo dejiyo Dekedaha kale wadanka oo laga qaado Canshuur ka yar tan laga qaado Ganacsatada Muqdisho.

    Waxaan xusuusineynaa madaxda Dowlada in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay tahay ganacsatada ugu Canshuur bixin badan Dalka Soomaaliya oo dhan ayna si gaar ah isga xilsaareen dhismaha Wadooyinka Muqdisho iyo arimaha la xariira gurmadka iyo taakuleynta dadka nugul ee dhibaatadu ka soo gaartay Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee wadanka kajira.

    Waxaan ka codsaneynaa wasaaradda maaliyadda in canshuuraha xad dhaafka ee sida gaarka dusha looga saaray ganacsatada Gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyso maadaama ay shirkadaha waaweyn oo ganacsi ay kaceen ayada oo ay isku biirsatay Duruufaha dhaqaala xumada ee wadanka kajira iyo canshuuraha xad dhaafka ee Dekeda Muqdisho looga qaado iyo Canshuuraadka kale ee hada dusha laga saaray ganacsatada Muqdisho.

    Waxaan ugu baaqeynaa wasaaradda maaliyada in ay si ku mid ah oo loo wada siman yahay uga qaado Canshuuraha dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed lagana daayo Ganacsatada Gobolka Banaadir Culeyska Canshuureed ee sida gaarka ah loogu haayo.

    Ugu dabeyntii waxaan ka codsaneynaa Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, in ay soo faragiliyaan arintaan, waxna laga qabto dhibaatada haysatada Ganacsatada Gobolka Banaadir.

    Waxaan rajeynaa in aad naga aqbali doontaan codsigeynga ,waxna ka qaban doontaan dhibaatada haysata Ganacsatada Gobolka Banaadir.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    Xildhibaanada Hiiraan iyo Shirka H
    New Page 1

    casho sharaf Denmark
    Tataarka
    Dhacdooyinks Yaabka Leh
    Daawo Yaabka Aduunka

    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Wafuuda Turkiga Baledweyn
    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.15 seconds 27,266,620 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014