August 22 2018 09:30:23
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    War Culus:---Dagaalka ka socda Tukeraq oo wali socda iyo ku dhawaad 50 Askari oo ku dhintay..................................
    News  wararka New Page 1
    Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa wali ka socda deegaanka Tukeraq ee Gobolka SoolWararka ay furimaha ee dagaalka ka helayso Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Askar afartan ka badan ay ku dhinteen dagaalada wali ka socda deegaanadaasi.

    Wararka aanu helayno waxaa ay sidoo kale sheegayaan in dhaawacu kor u dhaafay boqol askari oo labada dhinacba ah.Dhaawacyada waxaa la kala geeyay magaalooyinka Garoowe, Hargeysa, Burco iyo Oog iyadoo hadda lagu daweynayo Isbitaaladaasi

    Askarta dhimatay waxaa ku jira saraakiil Lix kor u dhaafaya oo labada dhinacba ka dhintay Taliyihii ciidanka Somaliland ee Tukeraq Maxamed Daa’uud ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay saraakiisha ku dhintay dagaalka.

    Xaalada Isbitaalada la geeyay dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay mashquul badan ka jira islamarkaana laga joojiyay dadkii soo booqanayay Taliyaha ciidamada Millatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ku sugan deegaanka Tukeraq ayaa sheegay in dhaawacyo iyo dhimasho badan ay jiraan labada dhinacba balse aanay warbaahinta u sheegi karin khasaaraha dhabta ah.

    Ciidamo maxaabiis ah ayaa labada ciidan kala qabsadeen, waxaana taliyaha Ciidamada Somaliland sheegay in lix gaadhi oo Tigniko ku jirto ay ka qabsadeen kuwa Puntland.

    Goobjoogayaal ku sugan Tukaraq oo boqolaal qoys ka barakaceen ayaa sheegay in rasaasta iyo Hubka noocyadiisa kala duwan wali laga maqlayo goobta uu dagaalku ka socda Labada maamulba waxaa ay xoojinayaa ciidamada ku dagaalamaya Tukaraq iyadoo magaalo kasta laga soo daad guraynayo ciidamada Gurmad ah.

    Walaac xoogan ayaa laga qabaa in dagaaladu sii socdaan, madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta sheegay in lagu soo duulay oo ay dagaalkaasi ka jawaabi doonaan, dhinaca kale Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay kusoo duuleen deegaanadeeda dagaalkana ay bilaabeen.

    Dagaalka ka socda Tukaraq waxay Somaliland ku eedeysay Dowlada Federaalka Soomaaliya Waxaa la xidhay dhamaan waddooyinka la iskaga goosho ee Somaliland iyo Puntland iyadoo loo ogolyahay ciidamada oo kaliya inay maraan wadooyinka Shacabka Gobolka Sool ayaa walaac xoogan ka muujinaya xaalada dagaalada ee sii xumaanaysa.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    Xildhibaanada Hiiraan iyo Shirka H
    New Page 1

    casho sharaf Denmark
    Tataarka
    Dhacdooyinks Yaabka Leh
    Daawo Yaabka Aduunka

    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Wafuuda Turkiga Baledweyn
    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.10 seconds 27,266,584 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014