June 24 2018 07:34:29
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Bishaar Al Asad oo booqasho ku tagaya Kuuriyada Waqooyi Maxaase laga filankaraa dowladaha..................................
    News  wararka New Page 1
    Waa markii ugu horraysay ee hoggaamiyaha kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu marti galiyo hoggaamiye dawladeed tan iyo markii uu xukunka qabtay sanadkii 2011.

    Waxa uu dhawaan qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo dhowr ah, asagoo la kulmay Madaxweynaha Shiinaha bishii May, ayadoo sidoo kale la filayo in uu ka qayb galo bishaan shir madaxeed uu la yeesho madaxweyne Donald Trump.

    Suuriya oo ay xulufo yihiin Kuuriyada Waqooyi kama aanay hadlin qorshaha booqashada la sheegay.

    Labada dal ayaa lagu eedeeyey in ay iska kaashadaan hubka Kiimikada ah, balse labada dawladoodba way beeniyeen eedaymahaas.

    Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ma aysan sheegin taariikhda rasmiga ah ee booqoshada.

    Waxay soo xigatay hadalka Mr Assad ee arbacadii uu yidhi ” Waxaan doonayaa in aan booqdo Kuuriyada Waqooyi oo aan la kulmo Kim Jong-un.”

    Hadalkiisa ayaa imaanaya sida la sheegay kadib markii uu warqad oggolaansho ah ka helay safiirka Kuuriyada Waqooyi ambassador Mun Jong-nam.

    Waxaa sidoo kale Mr Assad laga soo xigtay in uu hubo in Mr Kim ” uu gaari doono guul kama dambays ah uuna ka gungaari doono dib u midaynta Kuuriya guuldarro la’aan”

    Kuuriyada Waqooyi ayaa Suuriya la samaysay xiriir diplumaasiyadeed sanadkii 1966 ayadoo ciidamo iyo hub u dirtay intii uu socday dagaalkii Israaiil iyo Carabta bishii Octobar sanadkii 1973-dii.

    Warbixin qaramada midoobay ay soo saartay bishii February yaa lagu eedeeyey Kuuriyada Waqooyi in ay 40 markab u rartay dalka Suuriya intii u dhexaysay sanadihii 2012 ilaa 2017 kuwaas oo siday qalab kala duwan oo ay kujiraan tuubooyin loo adeegsan karo in lagu sameeyo hub kiimiko ah.

    Mr Assad ayaa beeniyey eedaymaha ah adeegsiga hub kiimiko ah ayadoo dalkaasi uu kujiro sanadkii toddobaad oo dagaal sokeeye ah
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    Xildhibaanada Hiiraan iyo Shirka H
    New Page 1

    casho sharaf Denmark
    Tataarka
    Dhacdooyinks Yaabka Leh
    Daawo Yaabka Aduunka

    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Wafuuda Turkiga Baledweyn
    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.01 seconds 26,339,680 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014