August 22 2018 09:29:18
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Itoobiya Oo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Kililka 5aad Kala Doorran-siiyey Saddex Qoddob................................
    News  wararka New Page 1
    Kulamo xidhiidh ah oo galabnimadii shalay u bilowaday laba dhinac oo kala matalayay dawladda federaalka ah ee dalka Itoobiya iyo dad u badan siyaasiyiin, madax dhaqameedyo, aqoonayanno iyo waxgaradka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu lafo guray waxa laga yeelayo xaallada cakiran ee dawlad deegaanka soomaalida kililka shanaad ee dalkaas, kadib qaskii iyo rabshadihii halkaas ka bilowday sabtidii la soo dhaafay ee sahayday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kaasi oo xallintiisu hal xidhaale ku noqotay dawladda iyo guud ahaanba dal weynaha Itoobiya.

    Kulamadan oo ilaa saacadihii dembe ee xalay saqdii dhexe lagu gaadhay ayaa ilo wareedyo u dhuun daloola shirkaasi ay tibaaxeen in dawladda dhexe ay miiska soo saartay qorshe sigaar ah uga hadlaya maamulka dawlad deegaanka Jigjiga kadib is casilaadii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaana madaxweynaha cusub loo doortay maamulka, kaasi oo haatan ku sugan magaallada jigjiga.

    Warku waxaa uu xusay saddex qoddob oo qorshaha ay dawladda federalka ahi miiska soo dhigtay udub dhexaad u ah, kuwaas oo ay ka qayb galayaasha ka dalbatay lafagurkooda, iyada oo la kala doorransiiyey qodob kamid ah saddexdaas qodob in la qaato six al loogu helo xaaladan cakiran ee hadda la galay. Saddexdaas qoddob ayaa dawladda federaalka ah ee Itoobiya ay sheegtay in ay kala yihiin;

    In gebi ahaanba maamulka uu ka tegey Cabdi Maxamuud Cumar ee haatan jooga meesha laga saaro.
    In muddo kumeel gaadh ah la siiyo maamulkan iyo madaxweynahan cusub ee xisbiga ismaamulka Soomaalida jigjigi doortay, kaasi oo inta uu talada hayo xooga saari doona soo dhisida dawlad deegaan laga wada muuqdo oo doorasho ku yimaada ama magacaabis ku yimaada
    Iyo Qoddobka 3aad oo isna odhanaya in aan haba yaraatee waxba laga bedelin lana taaban maamulka iyo madaxweynaha cusub ee la doortay.

    Hase yeeshee, ilaa haatan wararkii ugu dembeeyey ee laga helay kulankaasi socday illaa xalay saacadihii dembe lama xaqiijin tallaabada ama qodobka laysla qaatay in la qaato iyada oo goobjoogayaashu tibaaxeen in badi intii shirku socday waqtiga ugu badan lagu qaatay lafa gurka iyo falanqaynta qoddobadan iyo saamayntooda.

    Geesta kale mas’uuliyiin ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya oo uu kamid yahay madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mr. Axmed Maxamed Islaam ay tan iyo shalay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalkaasi itoobiya ee adis ababa iyaga oo la weriyey in ay halkaasi ku tageen la tashi uu raysal-wasaaraha dalkaasi Aby Axmed ka codsaday in uu kala sameeyo xaalada Soomaalida Itoobiya ee xilligan jaho wareerkak u sugan. Sidoo kale waxa la sheegay in uu jiro culayso raysal-wasaare Aby Ahmed kaga imanaya caalamka, kuwaas oo ka dalbanaya in uu xaallada cagta u dhigo oo aanu ku degdegin go’aan lafjab ku noqon kara xasiloonida mandaqada. Xidhiidho dublumaasiyiin ajaanibi ay la soo sameeyeen hoggaanka dawladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa hogatusaaleeyey marxaladda uu gobolka Soomaalidu galay in uu saamayn ku yeelanayo guud ahaan mandaqada geeska afrika gaar ahaana dalwaynaha Itoobiya.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    Xildhibaanada Hiiraan iyo Shirka H
    New Page 1

    casho sharaf Denmark
    Tataarka
    Dhacdooyinks Yaabka Leh
    Daawo Yaabka Aduunka

    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Wafuuda Turkiga Baledweyn
    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.09 seconds 27,266,538 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014