December 10 2018 07:10:03
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Ra’iisul Wasaare Kheyre oo mar kale ku dhawaaqay in la shaqaaleysiinayo kun dhalinyaro ah...............................
    News  wararka New Page 1
    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ku dhawaaqay in la shaqaaleysiinayo illaa kun dhalinyaro oo hor leh oo isugu jira rag iyo dumar.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Yariisow ku adkeeyay inuu codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, daacad ah, daah furan, isaga oo dhallinyaradana kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo.

    “Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay ka hadlayay Munaasabadda lagu xusayay 12-ka Agosto oo ku beegan maalinta Dhalinyarada Adduunka.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka bini’aadamka ah uuna samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.

    “Xornimada aan haysanno waxaa keenay dhallinyaro la noolaa wacyi kiinna ka dhib badan, gumaysi uu haysto, hadii ay bannaanka u baxaan qatar ugu jiray in uu dilo qof ajnabi ah hase yeeshee goostay in ay qaataan qatartaas si aan innagu u helno nolol ka wanaagsan tii ay haysteen. Gumaysi ayey la dagaallameen waana ku guulaysteen iyada oo Afrika inteeda kale aysan hurdada ka kicin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

    “Dhallinyarada maanta iyana waxa ay kala simanyihiin in ay la dagaalayaan Jahli, faqri, gaajo, argagaxiso, qabyaalad, musuqmaasuq iyo kuwa doonaya in ay dalkeenna u dummiyaan dano gaar ah” ayuu munaasabadda ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha XFS.

    Shaqo abuurka dhallinyarada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in ay qayb ka qaadanayso horumarinta dhaqaalaha iyo amniga maadaama dhallinyaradu yihiin xoogga, maskaxdda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamayo aduunyada inteeda kale.

    Sanad ka hor ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in la shaqaaleysiinayo illaa kun dhalinyaro, iyadoo aan la ogeyn in balan-qaadkaas laga dhabeeyay iyo in kale, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in tiro aad u yar laga shaqaaleysiisay.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.02 seconds 28,903,793 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014