December 10 2018 06:18:16
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    XOG: Abu Mansuur Oo Yimid Muqdisho,Murashaxnimadiisa & Lacagaha Uu Wato.....................................
    News  wararka New Page 1
    Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur ayaa waxa uu maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

    Sida la sheegay Rooboow waxa uu doonayaa sidii uu iskugu soo sharaxi lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya,oo Doorashadeeda Bisha soo socota la filayo inay dhacdo.

    Rooboow oo Hadda Sacuudiga kasoo noqday Maadaama Sanadkaan uu soo Xajiyey ayaa ka hor waxa uu tegay Turkiga iyo Dalal kale kuwaas uu ka doonayey inay taageero u muujiyaan.

    Wadaadkii hore Ee Shabaab iyo Maxkamadahii Islaamka kusoo caan baxay Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa hadda udiga roganaya Siyaasada inuu Jaakadeeda xirto.

    Abu Mansuur Rooboow ayaa waxa taageero uu ka heystaa Mareykanka iyo Dawlada Dhexe si Kursiga K/Galbeed loogu fadhiisiyo sababta ugu weyn ee loo taageerayo waa inuu Cagta mariyo Shabaabka halkaas kusugan.

    Mukhtaar Rooboow ayaa waxa uu ka mid ahaa tiro yar oo Dagaalka Afgaanistaan tegay oo khibrad ciidan ah heysto,marar badan ayaa loo saadaaliyey Xil Sare inuu ka heli karo Dawlada Dhexe balse taas ma dhicin.

    Warar ay Warqaad Heshay ayaa sheegaya in Lacag badan uu helay Rooboow si ololihiisa Doorashada Bisha ka dhiman uu ula yimaado.

    Waxa uu kasoo bilaabi doonaa Siyaasada Heer dawlad Gobolleed iyadoo maalmaha soo socda la filayo inuu ku dhawaaqo Murashaxnimadiisa hadii isbadel Siyasaadeed uusan dhicin.
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.01 seconds 28,902,967 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014