XAFLADD LAGU TAAGEERAYO MAAMUL GOB OLEEDKA HIRAN STATE OO LAGU QABTAYCAASIMADDA DALKA UGANDA ((DAAWO SAWIRO))
XAFLADD LAGU TAAGEERAYO MAAMUL GOB OLEEDKA HIRAN STATE OO LAGU QABTAYCAASIMADDA DALKA UGANDA.
Kampala: - Caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa waxa lagu qabtayhabeenkii Axadda xafalad heersaro ah, taasoo lagu taageerayeymaalmulka Hiran State oo 11-08-2010-ka looga dhawaaqay caasimaddawaddanka Kenya ee Nairobi.
Xafladdan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey guud ahaan Jaaliyadda reerHiiraan ee ku dhaqan magaalada kampala ee dalka Uganda. Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u fara badan kuwaasooisku jiray siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad, ganacsato, wariyayaal,fannaaniin, haween iyo dhalinyaro iyo weliba ardayda reer Hiiraan eewaxkabarata Jaamacadaha waddanka Uganda.
Xafladda lagu taageeryey maamul goboleedka Hiran State dadkii kahadlay waxaa ka mid ahaa Aadan Cabdullaahi Cali oo ku hadlayeymagaca guddiga qabanqaabada xafladda, Col: Xasan Muxumed Siyaad (Xasan- waaqow) oo ku hadlayey magaca saraakiisha reer Hiiraan.
Mr. Waaqow wuxuu ka hadlay guud ahaan taariikhda G/Hiiraan, isagoosheegay inuu G/Hiiraan yahay halkii ay ka dhalatay xuriyaddda dalkaSoomaaliya islamarkaana ay ka soo baxeen dad magac weyn ku leh dalkaSoomaaliya haday noqon lahayd xag siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba.
“G/Hiiraan waxaa ka soo jeeda ama ku dhashay madaxweynihii uguhoreyyey dalka Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan-cade), SheekhCali Jimcaale Baraale, Muqtaar Minishiibiyo, Cabdullaahi Ciise,Jeneraalo iyo aqoonyahanno faro badan oo uu ka mid yahay Gen:-Daa’uud Cabdulle Xirisi oo ah Jenankii ugu horeeyey Soomaaliya ooqabta jagadaas, Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble iyo siyaasiyiin iyoaqooyahano halkaan aan ku xusi Karin, G/Hiiraan waa gobolka ugusaraakiisha badnaa waddanka Soomaaliya xilligii dowladda jirtay,waana gobol ku hormarsan dhinaca waxbarashada.” Sidaas waxa yiri Col:Xasan- waaqow) .
Mr. Xasan Waaqow waxa ugu baaqay madaxda hormoodka ka ah maamulkaHiran State inay ka soo dhalaalaan xilka loo idmaday, islamarkaanalooga fadhiyo waxqabad degdeg ah.
Kadib waxaa hadlka qaatay Ustaad Cabdisalaan Axmed Yuusuf oo kuhadleyey magaca aqoonyahanada Soomaaliyeed, waxa uuna ku dheeraadayMr. Yuusuf taariikhda G/Hiiraan, wuxuuna sheegay in G/Hiiraan uuyahay gobol ay deggan yihiin qabiilo faro badan, ayna ka soo baxeensiyaasiyiin iyo aqoonyahanno caan ka ah dalka gudihiisa iyo dibaddisa.
“Tusaale ahaan aniga waxaan ahay macalin wax badan bare ka ahaa dalkaSoomaaliya, waxaan ogahay in ardayda reer Hiiraan yihiin arday fahmobadan oo inta badan ka gala imtixaanaadka kala duwan eewaxabarashada, taasina waxay kuu muujinaysaa in dadka reer Hiiraanyihiin dad tayo leh, waana gobolka ugu xildhibaanada badan golahaBaarlamaanka Soomaaliya, waana dad xadaarad leh.” sidaas waxaa yiriUstaad Cabdisalaan.
Waxaa ka mid ahaa dadkii xafladda ka hadaly, Garyaqaan Xuseen CabdiAxmed (Rooble), kaasoo ku dheeraday taariikhda G/Hiiraan uu leeyahay.
Garyaqaan Rooble, ayaa waxa uu yiri, “G/Hiiraan waa halkii ay kahirgashay himilooyinkii gobonimo doonka oo ay hormoodka ka ahaayeenururkii (SYL) iyo dowladdii ugu horeeysay ee uu yeesho gayigaSoomaaliyeed, waxaana halkaan ka cadeenayaa in dadka reer Hiiraan xaqu leeyihiin in maamul sameystaan si iyagana wax u qabsadaan, dadkakalane uga nabadgalaan, maamulka Hiran State, waa maamul hoostagadowladda dhexe, mana aha ujeeddada inuu yahay mid ka madax bananadowladda dhexe ama ka go’ay Soomaalida inteeda kale.”
Intaas waxa uu ku daray Garyaqaan Roble in maamul goboleedyada haddajira ama kuwa horay loo sameeyey inay u yihiin xal ka gaaristadhibaatda waddnaka Soomaaliya ka aloosan, islamarkaana gobolkastadadkiisa ay dhistaan maamul u gaar ah, taasina waxay keenaysaa ingobolada ay tartamaan hormarka, waxaana meesha ka baxaysa qabyaaladda,waayoo dadka waxay iskugu faanayaan aniga gobolkeyga ayaa kaahormarsan, waxayna aqoonyahanka reer Hiiran aamisan yihiin inG/Hiiraan uu yahay halka ay Soomaaliya isku raaci doonto sidii1960-kii.
Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladda Maxamed C/raxmaan Kheyre, isagooku hadlayey magaca iyo ardayda iyo dhalinyarada reer Hiiraan, waxauuna carabka ku dhuftay Mr. Kheyre inay muhiim tahay in la taageeromaamulka Hiiraan State si loo gaaro midnimada iyo hormarka bulshadareer Hiiraan.
Magaca ganacasatad Soomaaliyeed ee dalka Uganda waxa ku hadlay AbshirMaxamed Xuseen, waxa uuna xafladda ka sheegay Mr. Abshir in G/Hiiraanuu ka mid yahay gobolada Soomaaliya ugu kheyraadka badan, waanagobolka saddexaad xagga wax soo saarka, waxa uuna ugu baaqay in Alleku garab galo dadka hormoodka ka ah mamulka Hiran State.
Magac haweenka reer Hiiraan waxa ku hadlay Maama Luulay Aadan Xaamudiyo Aamino Faarax Shire, iyagoo ku dheeraaday guud ahaan taariikhdaG/Hiiraan uu leeyahay.
Waxaa isna ku hadlay magaca ardayda Jaamacadda KIU ee dalka UgandaYaasiin Cabdullaahi isagoo si weyn ugu bogaadiyey in reer Hiiraantaageeraan maamulka Hiran State.
Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay xubno iyana ku hadlayey magacamaamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya sida Putland, Galmudugiyo Somaliland. Ugu dambeyntii waxaa halkaas ka hadlay Maxamed Cabdullaahi (Taagero)isagoo ugu hambalyeeyey dadka reer Hiiraan maamulka ay sameysteen iyoweliba hormarka ay ka gaareen dhinaca waxbarashada sida furitaankaJaamacadda Hiraan, taasoo in mudda ah yagleelideeda qaadatay.
Dhamman dadkii ka soo qeybgalay ama ka hadlay munaasabadda taageeradaHiran State, waxay si weyn ugu hambalyeeyeen shacabka reer Hiiraanmaamulka ay samayeysteen iyagoo luxaya calanka Soomaaliya iyo kanHiran State.
Xafladda waxaa xiriirinayey wariyaasha kala Cabdinuur Maxamed kadiye,Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed iyo Maxamed Cumar Abiib, waxayna ku soodhammaatay jawi heer sare ah, iyadoo dadkii ka soo qeybgalay si weyula dhaceen hab maamuska ay u dhacday xafladda. WAXAA INOO SOO GUDBIYAY
WD: Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed
saadaqcade@gmail.com