Buugii abwaan mustafe ee la magac baxay dal masiibo dabaashay dareen hooy u ahaaday oo markale lasoo bandhigi doono.
Dhamaan bulshada somaliyeed ee maanta ka soo qayb gashay kulankii lagu soo bandhigayey buugan uu qoray abwaan mustafe sheekh cilmi aad ayey u mahadsanyihiin sida ay xilka iskaga saareen dhamaan intii kasoo qayb gashay iyo intii aan soo haleelin intuba.
Qaban qaabiyaashii xafladan ayaa sheegay in ay aheeday mid is arag ah oo aan si wayn losoo bandhigin buugan balse marlabaad xaflad si heersare ah loosoo qaban qabin doono ayna ka soo qayb geli doonaan madax iyo indheergarad farabadan lagu qaban doono Tenstatrsff balse gadaal ayaan idiinkaga soo gudbin doonaa saacada iyo maalinta ay xaflada dhici doonto insha alaah.
Buugan oo la magac baxay dal masiibo dabaashay dareen hooy u ahaaday oo ay si wanaagsan looga soo shaqeeyay ayna ka buuxaan suugaantii abwaan mustafe sheekh cilmi oo aad ka heli doontaan murti iyo xigmad aad u farabadan oo aad jecleeysan doontaan.