War dag dag ah:---Shacabka Shabellaha Hoose Oo Caawa Wadnaha Farta Ku Haya Iyo Diyaarado Dagaal Oo.............................
Posted by xassan on May 10 2017
War dag dag ah:---Shacabka Shabellaha Hoose Oo Caawa Wadnaha Farta Ku Haya Iyo Diyaarado Dagaal Oo.............................
Extended News
Wararka caawa naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda ay caawa dul socdaan deegaanno kamid ah Shabellaha Hoose.

Deegaanno ku dhow Marka, Qoryooley iyo Wanlaweyn ayaa lasoo sheegayaa in diyaaradahan ay si aad ah u dul socdaan, waxaana laga baqayaa iney duqeeyaan meelaha ay dul wareegayaan.

Dhammaan deegaannada ay diyaaradaha dul heehaabayaan waxaa ku sugan dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo xaaladduna tahay mid kacsan.