Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay Magaalada Muqdisho.............................
Posted by xassan on May 13 2017
Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay Magaalada Muqdisho.............................
Extended News
Dableey ku hubeysan Bistoolado ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho ku dileen Qof shacab ah oo la sheegaya in uu ahaa Taksiile.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa dilkiisa ka dambeyay dhalinyaro bistoolado ku hubeysnaa kuwaas oo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday.

Dilka waxaa uu si gaar ah uga dhacay Xaafada Labo dhagax Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ilaa haddana si dhab ah lama oga sababta Ninkan Taksiilaha ah loo dlay.

Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray waxaana ay sameyeen Howlgal baaritaano ah oo weli wax natiijo ah aan ka soo bixin.