War naxdin leh:--Dagaal Beeleed Khasaaro sababay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud..........................
Posted by xassan on May 13 2017
War naxdin leh:--Dagaal Beeleed Khasaaro sababay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud..........................
Extended News
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen Kadib dagaal Beeleed xoogan oo labo Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray Bariga Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan oo xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Libi Caanood oo u dhexeeya Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ayaa la sheegay in uu Salka ku hayo Muran Daaqsimeed.

Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanka Dirirtu ka dhacay ee Libi Caanood ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ay wadaan Waan waan xoogan.

Xiisadaha nuucaani ah ayaa tiro dhowr jeer ku soo noq noqday Gobolka Galgaduud ee Salka ku haya Dhul Daaqsimeed iyo arrimo la mid ah.