Dagaal Xoogan oo Caawa Ciidamada Militeriga iyo NISA ku dhexmaray magaaladda Muqdisho.......................
Posted by salaad on May 15 2017
Dagaal Xoogan oo Caawa Ciidamada Militeriga iyo NISA ku dhexmaray magaaladda Muqdisho.......................
Extended News
Waxaa Caawa Rasaas xoogan laga maqlayaa nawaaxiga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Rasaastan ayaa u dhaxeysa Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa militariga Soomaaliya, waxaana ay ka dambeysay kadib markii kuwa Nabad Sugida laga celiyay in ay gudbaan nawaaxiga Xarunta, sidaas waxaa sheegaya dad goob joogayaal ah.
Weli lama shaacin hadii uu khasaaro ka dhashay israsaaseyntan u dhaxeysay labada dhinac.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa amaanka ayaa ku wajahan halka ay ka dhaceyso rasaasta, si loo dajiyo Xaalada amaan.
Sikastaba, waxaa Caawa lagu waday in Xarunta Gobolka lagu qabto Munaasabad lagu xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoona Xarunta Gobolka ay ku soo jeedeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.