Ciidamo Ethiopian ah oo lagu weeraray Gobolka Bay Kolonyadani ay la socdeen Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ayaa waxaa Qarax Miino lagula eegtay Deegaanka ........................
Posted by salaad on August 07 2017
Ciidamo Ethiopian ah oo lagu weeraray Gobolka Bay Kolonyadani ay la socdeen Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ayaa waxaa Qarax Miino lagula eegtay Deegaanka ........................
Extended News
Kolonyadani ay la socdeen Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ayaa waxaa Qarax Miino lagula eegtay Deegaanka Ceel Luuq oo u dhexeeya Magaalooyinka Waajid iyo Baydhabo.

Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamullka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Qaraxani aanu wax khasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Ethiopia islamarkaana Ciidanka Ethiopia ay tageen Magaalada Baydhabo, iyagoo Socdaal ku mari doono Deegaanno Gobolka Baay ka tirsan , waxaana ay ku wajahan yihiin deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo maalin ka hor Al Shabaab la wareegeen sida uu hadalka u dhigay Xarakada Al Shabaab ayaa barahooda Internetka ku baahiyay in 7 Askari oo Ciidamo Soomaali iyo Ethiopian isugu jira ay Qaraxaasi ku dileen.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro Gaadmo ah kula qaada Kolonyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha Gobollada Koofurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Gobollada Baay iyo Bakool Waxaana weeraradaasi mararka qaar Khasaarooyin ay ka soo gaaraan Ciidamada Isgarabsanaya ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Masuuliyinta Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku cel celiya in ay soo afjarayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka soconaya deegaanada Maamulkaas oo qeybo badan oo ka mid ah ay kaga sugan yihiin Al Shabaab.