Baarlamaanka Somalia oo Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay Miisaaniyada 2017.............................
Posted by salaad on August 07 2017
Baarlamaanka Somalia oo Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay Miisaaniyada 2017.............................
Extended News
Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow kulan ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kulankaan ayaa looga hadlayay Misaaniyada sanadka 2017 ee dowlada Federaalka Maalmihii ugu dambeeyay doodo kulul ayay ka lahaayeen Xildhibaanada Miisaaniyadan balse maanta ayay ansixiyeen.

Xildhibaano gaaraya 167 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda, halka ay diieen laba Xildhibaan oo kaliya Shir Guddoonka Baarlamaanka Somaliya ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ay tahay mid ansax ah, maadaama si aqlabiyad leh Xildhibaanada ay ku meel mariyeen.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa hortooda laga sheegay ka hor inta aysan ansixin inay jiraan duruufo kala duwan, sidaasi awgeedna ay ku meel mariyaan miisaaniyadda Dowladda.

Xubnaha qaar ee Baarlamaanka Somaliya oo diidanaa Miisaaniyadda Dowladda ayaa markii ay qiimeeyeen duruufaha jira awgeed u codeeyay inay ogolaadeen Miisaaniyadda.