Guddoomniye ku-xigeenka labaad ee gobolka Bari oo maanta lagu dilay Boosaaso..............................
Posted by xassan on August 07 2017
Guddoomniye ku-xigeenka labaad ee gobolka Bari oo maanta lagu dilay Boosaaso..............................
Extended News
khallar Ismaaciil oo horey u ahaan jirey guddoomniye ku-xigeenka labaad ee gobolka Bari ayaa maanta lagu diley gudaha Boosaso.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Afar idoodka, waxaana dilkiisa fuliyey dhawr nin oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca.

khallar Ismaaciil ayaa la keenay isaga oo dhaawac cuslus qaba Isbitaalka Bosaso halkaas oo uu ku nafbaxay.
Ma cadda sababta dilka marxuumka ka danbeysa in ay tahay aano qabiil iyo in ay fuliyeen qolooyin kale.

Waxaa La sheegay in xiligii La dilayay marxuumka Uu Watay Gaari Nooca raaxada ah waxaana la sheegay inuu gaarigu Shil Galay, Marxuumkana ay ku dhacday 1-xabo oo Kaliya Ilaa hadda Arintaan kama Hadlin Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Kan degmada Boosaso Midna.