War dag dah:--Kooxo Mindiyo ku hubeysan oo Weerar khasaaro geystay ku qaaday Xarun ay leeyihiin Gudiga doorashada....................
Posted by xassan on August 09 2017
War dag dah:--Kooxo Mindiyo ku hubeysan oo Weerar khasaaro geystay ku qaaday Xarun ay leeyihiin Gudiga doorashada....................




Extended News
Koooxda weerarka qaaday ayaa mindi ku dishay hal qof halka sidoo kale dhowr qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas.
Ciidamada amaanka ayaa ka hortagay weerarka iyadoo la maqlay rasaas xoogan oo ay boolisku la beegsanayeen raga weerarka soo qaaday.

Saraakiisha amaaanka ayaa sheegay in qofka la dilay uu ahaa arday wax ka baranayay mac-hadka tababarka caafimaadka waxaana noloshooda la baxsaday sedex arday oo kale.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa xarun ay u aheyd gudiga doorashada deegaankaas halkaas oo ay dadku ka codeeyeen shalay.

Xiisad xoogan ayaa ka jirta deegaanka waxaana laga cabsi qabaa in khalalaaso iyo dagaalo ay ka dhacaan Taliyaha gobolka Xeebta Larry Kieng ayaa weerarka kadib sheegay in kooxdii falkaas ka dambeysay ay baxsadeen, laakiin qaarkood la dilay.

“Labo kamid ah waa la dilay waxaana ay kaliya ku hubeysnaayeen mindiyo, waxaan rabnaa inaan ka digno hadii weerarkaas uu ahaa mid siyaasadeed, waana xoojin doonaa amaanka ” ayuu yiri taliyaha.

Sargaalkan ayaa dhanka kale sheegay ineysan siyaasiyiinta u ogolaan doonin iney six un u isticmaalaan siyaasadda ayna qalalaaso abuuraan

“Waan ognahay in tirinta codadka ay weli socoto hadii qaar kamid ah hogaamiyaasha ay ogaadeen in laga adkaatay ma ahan iney dhalinyarada haligaan waanse ka hortageynaa wax walba oo ay qorsheynayaan”.

Gobollo badan oo kamid ah dalka Kenya ayaa dhanka kale laga soo sheegayaa iney rabshado xoogan oo natiijadda hordhac ah ee doorashada ka dhalatay ka socdaan.