Daawo:--Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan....................................
Posted by xassan on August 10 2017
Daawo:--Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan....................................
Extended News
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu magacaabay ilaa afar degmo kale oo ka mid noqonaya degmooyinka gobolka Hiiraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in deegaannada kale ah Feerfeer, Buq-Aqable, Moqokori iyo Buurweyn noqonayaa wixii hadda ka danbeeya degmooyin cusub oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cosoble ayaa wax ka yar labo Todobaad ku magacaabay illaa 7 degmo, taasoo guud ahaan mar la eego degmooyinka gobolka Hiiraan ka dhigeysa marka lagu daro degmada cusub ee Feer-feer 12 degmo.