Xarakada Al Shabaab Oo Markale Weeraray Ciidamo Daacad U Ah Mukhtaar Rooboow....................................
Posted by xassan on August 11 2017
Xarakada Al Shabaab Oo Markale Weeraray Ciidamo Daacad U Ah Mukhtaar Rooboow....................................
Extended News
Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in markale Dagaal culus uu ka dhacay Deegaanka Abal oo qiyaas ahaan 18 km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Dagaalka ayaa bilawday ka dib markii Dagaalyano ka tirsan Xarkada Alshabab Weerar labo jiho ah ay ku qaadeen Fariisimo Ciidamo taabacsan Sheekh Mukhtaar Rooboow ay ku leeyihiin halkaasi Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in ay heleen Macluumaad ku saabsan Dagaalkaasi.

Wasiirk ku xigeen Wasaarada Amniga Koonfur Galbneed, C/risaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka soo Duuleen Deegaanka Labaatan Jiroow ee Gobolka Bakool, isagoona sheegay in Dagaalka Xoogiisa uu joogsaday islamarkaana Deegaanadii lagu dagaalamay ay ka jirto Xaalad daganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn.

Wasiir C/risaaq oo hadalkii sii wata ayaa tibaaxay in Maamulka Koonfur Galbeed si dhow uu ula socda Xaalada Mukhtaar Rooboow, waxuuna Rooboow shaaca ka qaaday in meel anaagsan uu marayo wada hadal u socda labada dhinac.

Weli majiro wax hadal ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen Dagaallada muddooyinkii dambe ay Degaano ka tirsan Gobolka Bakool ay kula galeen Dagaal yahano taabacsan Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab.