Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland oo ka horyimid Shirka Kismaayo................................
Posted by salaad on October 06 2017
Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland oo ka horyimid Shirka Kismaayo................................







Extended News
Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa Maanta ka horyimid Go,aankii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ee ahaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmayo Shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Gobolleedyada Dalka.

Wasiirada ka horyimid Shirka Magaalada Kismaayo ka furmaya waxaa ka mida Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Xildhibaanno ka badan 10,kuwaas oo kabaxay Kismaayo una duulay Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta Magaalada Kismaayo ku Guddoomiyay Shirkii Golaha wasiiradda Jubbaland ayaa sheegay in Shirka u dhexeeya Maamul Gobolleedyada iyo Dowladda Dhexe ee Jubbaland ay Marti gelineyso uu Kismaayo ka furmi doono Axadda soo socota.