Shirkii madaxda maamul Goboleedyada ayaa Caawa Maqribkii kadib ka furmay magaalada Kismaayo........................
Posted by salaad on October 08 2017
Shirkii madaxda maamul Goboleedyada ayaa Caawa Maqribkii kadib ka furmay magaalada Kismaayo........................




Extended News
Shirka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda maamul Goboleedyada sida: Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ay waxaa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamuladaasi iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirkan oo 8-da Bisha loo qorsheeyay ayaa la sheegay in caawa uu noqon doono furitaan iyo khudbado ay jeedinayaan madaxda maamullada, halka maalinta berri uu si rasmi a u furmi doono.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Madoobe) ayaa furay shirka, waxaana Madasha la filayaa inay ka hadlaan madaxweynayaasha maamullada dalka ee ka qeyb galaya shirka.