Kolonyo Ay La Socdeen Ciidamada AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho..........................
Posted by salaad on October 08 2017
Kolonyo Ay La Socdeen Ciidamada AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho..........................
Extended News
Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta qarax Miino lagu eegtay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Magaalada Mqudisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka AMISOM uu qaruxu haleelay.

Waxaana ku dhaawacmay qaraxaasi 1 Qof oo shacab ahaa sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha Rasmiga ee ka soo gaaray AMISOM, mana jirto weli cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Balse Xarakada Al Sahabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah ku qaada Ciidamada AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Magaalada Mqudisho iyo Gobolladda dalka.