Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Maanta Gaaray Degmada Xudur oo asal ahaan ka soo jeeda..........................
Posted by salaad on November 29 2017
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Maanta Gaaray Degmada Xudur oo asal ahaan ka soo jeeda..........................

Extended News
Sheekh Mukhtaaro Rooboow Cali Abuu-Mansuur ayaa maanta gaarey degmada Xudur ee gobolka bakool.
Mukhtaar Roobow ayaa socdaalkiisa degmada Xudur waxaa wehlinaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya, waxaana degmada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool.


Ilaa iyo hada Lama oga ujeedada socdaalka Rooboow ee degmada Xudur, balse deegaaanno aan wax badan ka fogeyn degmada waxaa ku sugan maleeshiyaadkii isaga daacada u ahaa ee horay uga tirsanaa Al-shabaab oo laga yaabo in uu la kulmo.


Mukhtaar Rooboow oo horey uga mid ahaan jirey fikirka xagjirnimadana ay ku kala tageen ayaa hadda ka mid ah mas’uuliyiinta sida weyn uga soo horjeeda falalka Ururkan oo uu warbaahinta ka cabaareeyay.

Waa Mid kamid ah Shaqaalaha Camaloow Online.
sidaa iyo amaana allah