Shiinaha oo Baadi Goobaya 32-Badmaax oo saarnaa Maraakiib isku dhacay........................
Posted by xassan on January 07 2018
Shiinaha oo Baadi Goobaya 32-Badmaax oo saarnaa Maraakiib isku dhacay........................
Extended News
Ciidamada Badda Shiinaha ayaa wada baadi-goobka Shaqaale la socday Maraakiib Xamuul iyo kuwa Shidaalka qaada ah oo isku dhacay, waxaana saarnaa dab qabsaday Markabkii shidaalka waday.

Wasaaradda Gaadiidka Shiinaha ayaa sheegtay in dadka la la’ yahay ee Markabka saarnaa in ay u kala dhasheen dalalka Bangladesh iyo Iran Markabka Shidaalka waday waxaa lagu sheegay in uu waday 136,000 tan oo Shidaal ah, isagoona shilkaan ku galay Xeebaha Bari ee dalka Shiinaha, gelinkii dambe ee Sabtidii.

Wasaaradda Gaadiidka Shiinaha ayaa Xaqiijisay in 30-badmaaxi oo u dhashay Iran iyo 2-Badmaaxi oo Bangladesh ah wali lagu hayo baaritaanada Socda, si loogu soo helo nolol ama Geeri.


21-qof ayaa lagu guuleystay in lasoo bad-baadiyo sida ay hadalka u dhigtay Wasaaradda, waxa ayna tilmaamay in aanan kala go’i doonin gurmadka soconaya ee lagu badbaadinayo dadka maqan.

“Markabka Sanchi ayaa quusaya oo ilaa Iminkane gubanaya. Waxaa daadanaya/Qubanaya Saliiddii uu waday, waxaana ku dadaali doonaa Xakameyntiisa” wasaaradda ayaa tiri.

Sawir lagu daabacay warbaahinta dowladda ee loosoo gaabiyo CGTN ayaa muujinaya holac iyo qiiq ka baxaya markabka qaada saliidda Markabka Sanchi ee Saliidda qaada ayaa ka diiwaan gashan Wadanka Panama, waxaana saarnaa shaqaale u badan Dalalka Iran iyo Bangaladesh.