Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Buuraleyda Galgala iyo Madaxweynaha Somaliaya oo kusugan...........................
Posted by xassan on January 07 2018
Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Buuraleyda Galgala iyo Madaxweynaha Somaliaya oo kusugan...........................
Extended News
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Madaafiic ah oo Al Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku garaaceen Saldhig Ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen afaafaka hore ee SaldhigaasiLama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Puntland ka soo gaaray weerarkaasi.

Mana jiro weli wax war ah oo ay saraakiisha Ciidanka Maamulkaasi Puntland ka soo saareen weerarka lagu qaaday Saldhigga Ciidanka Puntland ee Buuraleyda Galgala Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa labo jibaaray weerarada ay ku qaadaan fariisamaha Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Gobolkaasi Bari ee Puntland.