Isku dhacyo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dowlada oo ka dhacay Muqdisho...............................
Posted by salaad on February 08 2018
Isku dhacyo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dowlada oo ka dhacay Muqdisho...............................
Extended News
Dagaal muddo kooban socday una dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay afaafka hore ee xarunta Wasaarada Hidaha iyo tacliinta sare Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah dagaalka ayaa ka bilowday markii ay isku dayeen askar ka tirsaneed ciidamada xasilinta Muqdisho inay qori ka qaadaan mid ka mid ah ilaalada xarunta Wasaarada hidda iyo Tacliinta sare ee Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska hor imaadkaas u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada soomaaliya Xalada ayaa hadda dagan mana jiraan cid ka hadashay dagaalkaas maanta ka dhacay Magaalada muqdisho.