War Farxad leh:---Shirkada DP World oo laga Mamnuucay Soomaaliya..........................
Posted by xassan on March 12 2018
War Farxad leh:---Shirkada DP World oo laga Mamnuucay Soomaaliya..........................
Extended News
Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta dalka ka Mamnuucay Shirkada Dp World, kadib markii maanta ay ka doodeen sidii laga yeelilahaa Shirkadaasi, waxayna isku raaceen in dalka laga Mamnuuco shirkada DP World, waxa ayna soo jeediyeen qodobadaan.

Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn

Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.