Ciidamo Ka Wada Tirsan Kuwa Dowladda Oo Ku Dagaalamay Degmada Mahadaay.............................
Posted by xassan on March 13 2018
Ciidamo Ka Wada Tirsan Kuwa Dowladda Oo Ku Dagaalamay Degmada Mahadaay.............................
Extended News
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Barqanimadii maanta ku dagaalameen degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Lacago Canshhuro ah ay isku qabteen Ciidamo milateri ah iyo kuwa Boolis ah oo ku sugan degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro xoogan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan dagaalkaasi.

Degmada Mahadaay waxaa had iyo jeer ka dhaca isku dhacyo Ciidanka dhexdooda ah, taas oo la sheego in ay ugu wacantahay maamul xumo hareysay degmadaasi,.

Iyadoona dhawaan loo magacaabay guddoomiye cusub, kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaasi C/laahi Maxamed Xuuseen Geeldoox.