Howlgalka AMISOM oo sheegay in 30 Dagaalame ay ka Dilen Al-shabaab.............................
Posted by xassan on April 02 2018
Howlgalka AMISOM oo sheegay in 30 Dagaalame ay ka Dilen Al-shabaab.............................
Extended News
Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Weerarro isbagoog ah oo Al-shabaab ay ku qadeen Sadax saldhig oo ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa ku amaanay Ciidamadda Midowga Africa sidii ay isku Difaacen intuu Socday weearkii ay Al-shabaab ku sooqaadeen.

War qoraal ah oo lagu Daabacay barta internet-ka ee Howlgalka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay Weerarro ku qaadeen Saldhigyo AMISOM ay ku leeyihiin Qoryooleey, Buulo marer iyo Golweeyn.

Howlgalka ayaa Warka uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in 30 Dagaalame oo ka Tirsan Al-shabaab ay dileen, Sideed gaari oo Labo ka mid ah ay Qaraxyo ku xirnaayeena ay bur-buriyeen.

Wuxaa sidoo kale lagu sheegay Warka AMISOM kasoo baxay in ay hub ka furteen Al-shabaab Afar Askari oo ka tirsan ciidamadda AMISOM ayaa ku dhintay Dagaalka, waxaana ku dhaawacmay Lix kale, sida uu Howlgalku sheegay.