War dag dag ah:--Dad rayid ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan.............................
Posted by xassan on April 02 2018
War dag dag ah:--Dad rayid ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan.............................
Extended News
Warka ka imaanaya Duleedka degmadda Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheega in Miino ay ku qaraxday Dad rayid ah oo wadada marayay Ugu yaraan Todobo qof ayaa dhintay oo Lix ka mid ah ay isku qooys ahaayeen, sida ay Dadka deegaanku xaqiijiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dadka dhintay ay caruur ka mid yihiin, inkastoo aan wali la helin tirada rasmiga ah ee ilmuhu ka yihiin Xubnaha qoyska ee qaraxa ku dhintay.

Gaari Dameer ay la socdeen dadka dhintay ayey miinadu haleeshay Masuuliyiinta gobolku wali kama aysan hadlin waxyeeladda shacabka soo gaartay Waa qayb ka mid ah dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed ku qabaan miinooyinka Wadooyinka lagu aaso oo masuuliyadooda Al-shabaab lagu eedeeyo.