Masuul Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo................................
Posted by salaad on April 13 2018
Masuul Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo................................
Extended News
Xisaabiyihii dowladda Hoose ee Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu toogtay gudaha Magaaladaasi Gaalkacyo.

Waxaana Xisaabiyahaan oo lagu Magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan ay dableydaasi markii ay dileen isaga baxsadeen meesha wax ka dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda dilka xalay loo geystay Xisaabiyihii dowladda Hoose maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.

Falalkaan ayaa waxa ay ku soo noq noqdeen Magaalada Gaalkacyo ,mana jirto tallaabo muuqato oo wax ay uga qabanayaan Ciidamada Ammaanka Magaaladaasi Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.