War dag dag ah:---Sarkaal Booliis ah oo lagu dilay Saldhigga D/yaaqshiid hortiisa...................................
Posted by salaad on April 15 2018
War dag dag ah:---Sarkaal Booliis ah oo lagu dilay Saldhigga D/yaaqshiid hortiisa...................................
Extended News
Alle ha u naxariistee Koox hubeysan ayaa toogasho ku dilay Sarkaal ka mid ah Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir.

Rag Bastoolad ku hubeysan ayaa la sheegay in marxuumka ay ku dileen meel u dhaw Saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, waxaana la sheegay un ay goobta ka baxsadeen kooxdii dilka fulisay.

Alle ha u naxariistee Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan dheere waxa uuna ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Baarista ee degmadaasi.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta loo soo qaban waayay kooxdii dilka ka dambeysay oo la sheegay in ay Marxuumka ku dileen meel aan ka fogayn Saldhigga Booliiska ee degmada Yaaqshiid.