Wararku waxa ay sheegayaa in dilalka laga fulinaya Xaafadaha Muqdisho oo sii kordhaya.................................
Posted by salaad on May 12 2018
Wararku waxa ay sheegayaa in dilalka laga fulinaya Xaafadaha Muqdisho oo sii kordhaya.................................
Extended News
Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanaya dilalka ay geysanayaan Kooxaha Hubeysan kuwaas oo loo geysanayo Shacab, Shaqaale Ka tirsan Dowladda iyo Ciidamada amaanka.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ku dhawaad 15 qof kuwaas oo aan ilaa hadda dadkii fuliyay Ciidamada amaanka ku guuleysan iney soo qabtaan, waxaana soo kordhaya walaaca ay qabaan Shacabka magaalada Muqdisho.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa maanta ka dhacay degmada Dharkeynley ee Gobalka Banaadir, dilka ayaa loo geestay Wiil dhalinyar waxaana Fuliyay Koox ku hubeysan Bastoolado kuwaas oo dilka ka dib baxsaday.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Rag Bastoolado wata ay toogasho ku dileen Wiil dhalinyar ah oo ku sugnaa Xaafada Suuq-yaraha dharkeynley ee Gobalka Banaadir, si rasmi ah looma oga qofka la dilay waxa uu qaban jiray,