Al-shabaab iyo ciidamada dowlada oo ku dagaalamay gobolka Sh/Hoose.........................
Posted by xassan on May 27 2018
Al-shabaab iyo ciidamada dowlada oo ku dagaalamay gobolka Sh/Hoose.........................
Extended News
Wararka ka imaanaya deegaanka Buufow ee duleedka magaalada Marko ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in deegaankaasi ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye dagaalka ayaa leysku adeegsaday hub culus iyo midka fududba, islamarkaana labada dhinac ee dagaalamay uu soo kala gaaray khasaaro kala duwan in kastoo oo aan la xaqiijin Karin inta uu la egyahay khasaarahaasi ka dhashay dagaalkaasi.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka uu socaday muddo kooban haddana xaalada ay ku soo laabatay sidii hore.

Dagaalameyaasha Al-shabaab oo ka hadlay dagaalkaan ayaa guulo ka sheegtay iygoona ku dhawaaqay in ay cagta mariyeen ciidamadii dowlada eek u sugnay deegaanka Buufow Bacaad ee gobolka SH/Hoose.