Madaxweyne Xaaf oo dowladda Federaalka uga digay inay farageliso arrimaha Galmudug +VIDEO......................
Posted by xassan on May 27 2018
Madaxweyne Xaaf oo dowladda Federaalka uga digay inay farageliso arrimaha Galmudug +VIDEO......................





Extended News
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa uga digay dowladda Federaalka inay farageliso arrimaha Galmudug.


Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Galmudug iyo Ahlusuna ay mid yihiin, isagoo ka saxay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ahaa inay wada arkeen Ahlusuna iyo Galmudug

“Arrinta uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa jeclahay inaan u toosiyo, Ahlusuna iyo Galmudug waa mid, waa run waa wada aragnay Wasiirka, waa balanay wuxuu noo qabtay labo berri kaddib inuu war ku keenayo, balse aanu dib dambe ugu soo celin, sidaasna ay keentay inay isaga soo tagaan”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Waxaa uu uga digay dowladda Federaalka inay sameyso faragelin la mid ah tii dhacday 8 bilood ka hor, isagoo xusay in go’aanadii ka soo baxay shirkii Madaxda Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka mid ahaa in dowladda Federaalka ay joojiso Faragelinta maamul goboleedyada.

“Dowladda Federaalka waxaa uga digayaa in aysan sameyn faragelin, Galmudug waa xor, baarlamaan ayay leedahay, wixii go’aano ah iyadaa gaareysa, cidii shaqsiyaad oo banaanka istaageysa ayaga ayay u taallaa, anaga cidna ma fogeyno, waa soo dhoweyneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale waxaa uu farriin u diray Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo kaga digay inay joojiyaan faragelinta dhinacooda ka jirto.